Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaan ku deg-degi doonin in uu saxiixyadiisa cusub ee Moises Caicedo iyo Romeo Lavia si toos ah ugu soo tuuro shaxdiisa kulanka Axada ee ay la ciyaari doonaa West Ham.
Kooxda chelsea ayaa baanka u jabisay xiddigaha Caicedo iyo Lavia iyaga oo kula soo wareegay labadooda lacag ka badan 165 milyan oo euro.
Markii la waydiiyay in ay labada xiddig diyaar u yihiin in ay ciyaaraan kulankoodii ugu horeeyay Axada ayuu Pochettino yidhi”Waxan u malaynayaa in aan u baahanahay in aan qiimayno, waxa ay ahayd todobaad waali ah labadoodaba”.
“Way fududahay in aan yidhaahdo ‘Haye waan ciyaarsiin doonaa Axada’ laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aanan khatar galin”.
Labada xiddig ayaa iska diiday kooxda Liverpool si ay ugu biiraan kooxda chelsea maalmihii la soo dhaafay
Related