Chelsea ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Real Valladolid ee Ivan Fresneda laakiin waxa ay tartan kala kulmeysaa kooxaha mudada dheer xiisaynayay ee Barcelona iyo Arsenal sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga 18 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha aadka loo qiimeeyo laakiin waxa lagu heli karaa lacag dhan 10 milyan oo euro xagaagan.
Barcelona ayaa suuqa ugu jirtay saxiixa daafac Midig waxana agaasimaha cusub ee Deco ayaana taageere u ah Fresneda laakiin qiimaha lagu heli karo ayaa ah mid ku adag xiddiga.
Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga tan ilaa xagaagii hore waxana ay dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga kadib dhaawacii soo gaadhay Jurrien Timber.
Chelsea ayaa sidoo kale ku biirtay tartanka kadib dhaawacii soo gaadhay Reece James oo la filayo in uu muddo ka maqnaado garoomada.
Sida laga soo xigtay ESPN, Chelsea ayaa dar-dar galinaysa xiisaha ay u qabto saxixa Fresneda si ay ugu buuxiyaan booska kabtankooda Reece James ee dhaawacmay.

Related



Source link