Daafaca Manchester United Raphael Varane ayaa lala xidhiidhinayaa horyaalka sucuudiga iyada oo kooxaha sucuudigu doonayaan saxiixa xiddiga 30 jirka ah.
Sida ay sheegayaan wararku xiddiga reer France ayaa xiiso u qaba in uu ka dago sucuudiga kadib markii uu la xidhiidhay xiddigaha ay isku xulka yihiin ee N’Golo Kante iyo Karim Benzema.
Varane ayaa ahaa xiddiga ugu fiican Man United kulankii ay Man United ka badisay Wolves bilowgii xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay Wargayska Sport Zone, kooxda Sucuudiga ka ciyaarta ee Ittihad ayaa doonaysa Varane si ay ugu xoojiyaan kooxdooda suuqa xagaagan.
Ittihad ayaa haatanba la xidhiidhay xiddiga Varane kaas oo ay doonayso in ay ku qanciso ku biirista horyaalka sucuudiga.
Varane ayaa la xidhiidhay xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Kane iyo Benzema si uu uga waraysto kooxda Ittihad oo ay u ciyaaraan.
Wararka ayaa sheegaya in uu Varane u furanyahay in uu ku biiro horyaalka sucuudiga iyo kooxda Ittihad
Related