Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray liiska 10-ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa Yurub iyo horyaalada ugu waaweyn xili ciyaareedkii hore.
Kooxda Man City ayaa la odhan karaa waa kooxdii ugu fiicnayd xilli ciyaareedkii la soo dhaafay marka la eego in ay ku guulaystay saddexley taariikhi ah.
Saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya waa Lionel Messi, Kevin De Bruyne iyo Erling Haaland oo u tartamaya xiddiga ugu fiican yurub oo loo dooran doono xiddiga ugu fiican sanadka 31 bishan haatan lagu jiro.
Vinicius Jr. ayaan ku jirin liiska 10-ka sare, sida ku cad liiska ay soo saartay UEFA. Waa kuwan todobada ciyaaryahan ee kale ee ku saleysan codeynta sida UEFA.
İlkay Gündogan (Germany & Barcelona – 129 dhibcood)
Rodri (Spain & Manchester City) – 110 dhibcood
Kylian Mbappé (France & Paris) – 82 dhibcood
Luka Modrić (Croatia & Real Madrid) – 33 dhibcood
Marcelo Brozović (Croatia & Al Nassr) – 20 dhibcood
Declan Rice (England Arsenal) – 14 dhibcood
Alexis Mac Allister (Argentina & Liverpool) – 12 dhibcood

Related



Source link