Kooxda chelsea ayaa sii wada xoojinta kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay soo bandhigtay saxiixa Romeo Lavia.
Xiddiga Romeo Lavia ayaa noqday saxiixii ugu dambeeyay ee suuqa xagaaga iyada oo Blues xiddiga kala soo wareegtay kooxda Southampton.
Shaxda chelsea ee xilli ciyaareedkan ayaa noqonaysa Romeo Lavia, Caicedo iyo Enzo waana shax waali ah marka laga hadlayo khadka dhexe ee kooxda.
Pochettino ayaa doonaya in uu khadkiisa dhexe ka dhigo xiddigaha Romeo Lavia, Caicedo iyo Enzo xilli ciyaareedkan waxana ay taas oo kooxda ka dhigaysaa mid lama taabtaan ah.
Hadii ay 3-da xiddig isla qabsadaan waxa ay Premier League ku noqon doonaa dhibaato weyn iyada oo 3-da xiddigba yihiin kuwo cajiib ku ah booskooda.

Related



Source link