Xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday kooxda Liverpool una doortay kooxda chelsea.
Romeo Lavia ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Liverpool xagaaga oo dhan iyada oo xitaa laga diiday 3 dalab oo ay ka gudbisay xiddiga.
Laakiin Lavia ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda chelsea kadib markii uu iska diiday Liverpool waxana uu si Rasmi ah u noqday xiddig chelsea ah.
Lavia ayaa haatan lagu dhawaaqay saxiixiisa waxana uu sheegay sababta uu u diiday kooxda Liverpool una doortay ku biirista kooxda chelsea.
“Dareenkaygu waa in mashruuca, himilada iyo taariikhda ay ahaayeen arrimo muhiim ah”ayuu Lavia sheegay in uu ku doortay chelsea.
“Saddexdan arrimood ayaa go’aamiyey go’aankeyga ku biirista Chelsea”ayuu sii raaciyay.
Related