Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Bournemouth kulankoodii 2-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Anfield.
Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul gaadhaan kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen horyaalka premier League.
Dhinaca kale kale kooxda Bournemouth ayaa sidoo kale doonaysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay ee horyaalka kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen horyaalka.
Kulanka: Liverpool Vs Bournemouth
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 5:00
Garoonka: Anfield
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Reds ayaan guuldarro la kulmin kulankeedii ugu horreeyay ee Premier League garoonkooda xilli ciyaareedka tan iyo guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Chelsea 2003dii.
Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin 12 kulan oo ay ciyaartay horyaalka (7 guul iyo 5 bar-baro) laakiin bar-baro ayay gashay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka.
Reds ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso kaliya hal jeer 42-kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka Premier League ay ku ciyaareen gurigooda Kulankaas ayaa ahaa mid ay la ciyaartay chelsea oo ay bar-baro la gashay Chelsea.
Mohamed Salah ayaa siddeed gool ka dhaliyay Bournemouth siddeed kulan oo Premier League ah, inkasta oo aanu wax gool ah ka dhalin labada kulan ee xilli ciyaareedkii hore.

Related



Source link