Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in Oleksandr Zinchenko uu aad ugu dhow yahay in uu si buuxda ugu soo laabto taam ahaanshihiisa laakiin Gunners waxa ay weyn doontaa Gabriel Jesus wakhtiga soo socda.
Zinchenko ayaa seegay kulankii furitaanka ee ay Gunners guusha ka gaadhay Nottingham Forest isaga oo wali ka soo kabanaya dhaawac kubka ah oo soo gaadhay bishii May.
Xiddiga reer Ukriane ayaa ah xiddig ay jecelyihiin taageerayaasha Arsenal tan ilaa markii uu kaga soo biiray Man City xagaagii waxana uu kooxda u noqday muhiim kadib dhaawacii Jurrien Timber.
Warka fiican ayaa ah in uu daafacu ku soo laabanayo kooxda sida uu sheegay tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta.
“Wuu Nala tababaranayay, waxan rajaynayaa in uu wakhti dhaw taam noqdo”ayuu Arteta yidhi.
Gabriel Jesus ayaa dhinaciisa seegay kulankii furitaanka Arsenal ee premier League sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedka.
“Jesus wali diyaar ma ahan laakiin si fiican ayuu u nsanayaa”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link