Xiddigii hore ee kooxaha Tottenham iyo Man United ee Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka adag ee todobaadkan dhexmari doona kooxaha Tottenham iyo Man United.
Man United iyo Tottenham ayaa ciyaari doona kulan adag oo ka tirsan premier League iyada oo labada kooxoodba doonayaan in ay 3-da dhibcood qaataan.
Tottenham ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen xilli ciyaaredka.
Dhinaca kale Man United ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League kadib markii ay guul ku bilowdeen xilli ciyaareedka.
Dimitar Berbatov oo si fiican u garanaya labada kooxood maadama uu u soo wada ciyaaray ayaa saadaaliyay kulankooda Horyaalka premier League.
“Waxa uu noqon doonaa kulan fiican, waan daawan donaa”ayuu yidhi.
“Hadii ay United u ciyaarto kulankii Wolves waa laga badin doonaa, Tottenham waxa ay dhalisay 2 gool laakiin waxa ay baahanyihiin in ay iska adkeeyaan daafaca”.
“Aniga ahaan waxa aan saadaalin karaa in uu kulanku ku dhamaado bar-baro 2/2 ah”.

Related



Source link