Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay hiigsaneyso inay si gaar ah u beegsato ka qeyb galka tartanka champions League xilli ciyaareedka 2024/2025.
4 koox oo ka socda horyaalka sucuudiga ayaa sanad walba ka qayb gala tartanka champions League qaarada Aasiya laakiin haatan waxa ay doonayaan in ay ka qayb galaan tartanka UEFA Champions League.
Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga, Xiriirka Kubadda Cagta Sacuudiga ayaa laga yaabaa inuu u gudbiyo codsi xiriirka kubbadda cagta Yurub “UEFA” si ay u codsadaan in ay 4-ta koox ee ugu saraysa horyaalka sucuudiga uga qayb galaan tartanka champions League Yurub xilli ciyaareedka 2024-2025.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in inkasta oo kooxaha Sucuudigu ay ka qaybgalaan laba tartan oo muhiim ah sida AFC Champions League iyo Koobka Carabta ee kooxaha oo Cristiano Ronaldo iyo saaxiibbadiis ay ku guulaysteen, haddana uu jiro rabitaan Sucuudi ah oo ah in ay kooxaha sucuudigu ka qayb galaan tartanka UEFA Champions League.
Waxaa la filayaa in tartanka Champions League 2024-2025 lagu sameeyo is badal weyn iyada oo ay ka qayb gali doonaan 36 kooxood halka ay haatan ka qayb galaan 32 kooxood.
Related