Kooxda Arsenal ayaa ku soo laabanaysa Champions League kadib muddo dheer oo ay ka maqnayd waxana ay dhawaan ogaan doontaa kooxaha ay la ciyaari doonto wareega Group-yada marka la dhameeyo kulamada kama dambaysta ah ee is reeb-reebka.
Gunners ayaa la dhigay Pot2 waxana ay wajihi doonta kooxaha ku jira Pot1, Pot3, iyo Pot4.
Kooxaha Ku Jira Pot1 waxa ay ka kooban yihiin kuwa ku guulaysta horyaalka oo ka kala socda horyaalada waaweyn ee Yurub.
Kooxaha Pot 2 iyo Pot 3 ayaa inta badan ka kooban kooxo ka socda horyaalada ugu sareeya iyadoo lagu saleynayo dhibcaha isku dhafka ah ee UEFA.
Kaliya 2 kooxood (Lens iyo Newcastle United) ayaa u soo baxay qeyb ka mid ah Pot4 iyo kooxaha kale ee ka soo baxay kulamadii is reeb-reebka champions League.
Sida sharcigu dhigayo, Arsenal ayaan ka hor iman doonin kooxaha ku jira Pot2 ama Koox England ah inta lagu jiro wareega Group-yada Laakiin waxa ay ka hor tagi kartaa kooxaha Pot 1, 3 iyo 4 – oo ay ku jiraan Bayern Munich.

Related



Source link