Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha isku dayayaan in ay xoojiyaan kooxdooda.
Xilli dhamaad ku dhawyhaya xilli ciyaareedka 2022/2023 waxa ay taageerayaashu u dhag taagayaan xiddigaha ay kooxohoodu la soo saxiixan doonaan.
kooxaha ayaa haatanba bilaabay dadaalada ay ku doonayaan in ay ku sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Hadaba halkan waxa aan si joogto ah idiinku soo gudbin doonaa saxiixyada dhaca inta uu furanyahay suuqa xagaaga mrka ay koox kasta ku dhawaaqdo saxiixayda waaweyn iyo saxiixyada kaleba.
Wataru Endo -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa shaacisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Germany.
Liverpool ayaa xaqiijisay in ay Endo ka saxiixdeen heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield.
Romeo Lavia -> Chelsea:
Kooxda chelsea ayaa Si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga Roméo Lavia oo ay kala soo wareegtay Southampton.
Chelsea ayaa 58 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga iyaga oo saxiixiisa ku garaacay Liverpool.
Xiddiga reer Belguim ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog oo uu ku joogi doono Stamford Bridge.
Xiddiga Roméo Lavia ayaa kooxdiisa u xidhan doona lambarka No.45 oo uu horay uga xidhan jiray kooxda Southampton.
David Raya -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha David Raya oo ay kala soo wareegeen kooxda Brentofrd.
Arsenal ayaa xaqiijisay in ay qaab amaah ah kula soo wareegeen David Raya kaas oo kooxda joogi doona xilli ciyaareedkan.
Caicedo -> Chelsea:
Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moisés Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa Caicedo ka saxiixatay heshiis 8 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Stamford Bridge.
Xiddiga Moisés Caicedo ayaa qalinka ku duugay heshiis 8 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2031.
Harry Kane -> Bayern Munich:
Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga Harry Kane kaas oo ay kala wareegtay Bayern Munich.
Bayern ayaa Harry Kane ka saxiixatay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaart Alinze Arena.
Harry Kane -> Bayern Munich:
Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga Harry Kane kaas oo ay kala wareegtay Bayern Munich.
Bayern ayaa Harry Kane ka saxiixatay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaart Alinze Arena.
Robert Sanchez -> Chelsea:
Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Robert Sanchez Kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Brighton.
Chelsea ayaa Goolhaye Sanchez ka dhigtay saxiixii 6-aad ee ay samaysay kooxdu iyaga oo ku xoojinaya Kooxda.
Blues ayaa Goolhayaha ka saxiiatay heshiis 7 sano ah oo uu ku joogayo kooxda kadib markii ay 25 milyan ka soo bixisay xiddiga.
Axel Disasi -> Axel Disasi
Chelsea ayaa xaqiijisay Saxiixa daafaca Axel Disasi kaas oo ay kula soo wareegtay 38 milyan oo euro iyaga oo kala doo wareegay kooxda Monaco.
Xiddiga reer France ayaa noqday saxiixii 5-aad ee kooxda chelsea ee suuqa xagaaga xilli ay kooxdu si weyn ugu mashquulsantahay suuqa.
Joško Gvardiol -> Man City:
Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Joško Gvardiol sida ay sheegayan wararku.
Joško Gvardiol Ayaa haatan si Rasmi ah u noqday saxiixa cusub ee kooxda Man City wixii haatan ka dambeeya.
Lesley Ugochukwu -> Chelsea:
Chelsea ayaa xaqiijisay inay Lesley Ugochukwu ka saxiixday heshiis todobo sano ah iyaga oo kala soo wareegay kooxda Rennes.
Xiddiga 19 jirka ah ayaa ugu soo biiray chelsea lacag dhan 23 milyan oo euro waxana uu noqday saxiixi 4-aad ee ay samayso kooxda chelsea.
Andre Onana -> Man United:
Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Andre Onana kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Inter Milan.
Man United ayaa Onana ka saxiixat heshiis ilaa xagaaga 2028 isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee kooxda Man United.
Onana ayaa Man United ugu soo biiray lacag dhan 45 milyan oo euro isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.
Oriol Romeu -> Barcelona:
Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Oriol Romeu kaas oo ay ka dhigeen saxiixoodii ugu dambeeyay ee suuqa xagaaga.
Barcelona ayaa xiddiga Oriol Romeu ka saxiixatay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou.
Declan Rice -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Declan Rice kaas oo ay kala soo wareegtay West Ham.
Arsenal ayaa Rice ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Emirates.
Rice ayaa noqday saxiixa ugu qaalisan taariiikhda Arsenal halka uu sidoo kale noqday xiddiga reer England ee ugu qaalisan ee laga iibsado England dhexdeeda
Jurrien Timber -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jurrien Timber oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax.
Timber ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay Arsenal si Rasmi ah u xaqiijiso kadib Kai Havertz.
Timber ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Emirates.
Nicolas Jackson -> Chelsea:
Kooxda chelsea ayaa soo bandhigtay saxiixa xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Villarreal.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore waxana uu heshiis 8 sano ah u saxiixay kooxda chelsea.
Dominik Szoboszlai -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Dominik Szoboszlai sida ay sheegayaan wararku.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay heshiiska ay Liverpool kula wareegayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai la dhamaystiray.
Ilkay Gundogan -> Barceona:
Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo ay kala wareegtay Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa qaab xor ah kula soo wareegtay xiddiga khabiirka ah kana dhigaysa saxiixeedii weynaa ee ugu horeeyay suuqa xagaaga.
Xiddiga Gundogan ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona iyo waliba hal sano oo dheeraad ah.
Kai Havertz -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa dhamaustirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Kai Havertz sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.
Arsenal ayaa Kai Havertz ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay chelsea kala heshiisay qiimaha xiddiga.
Chelsea iyo Arsenal ayaa isku af gartay in ay ku heshiiyaan qiimo dhan 60 milyan oo lacag toos ah iyo waliba 5 milyan oo euro oo Gunooyin ah.
Mateo Kovacic -> Man City:
Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacić kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda chelsea.
Man City ayaa chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Croatai ee Mateo Kovacić sida uu xaqiijiyay Fabrizo Romano.
Labada kooxood ee chelsea iyo Man City ayaa si buuxda uga heshiiyay saxiixa xiddiga iyaga oo ku heshiiyay lacag dhan 30 milyan oo euro.
Joselu -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay sxiixa xiddiga ka ciyaara weerrarka ee Joselu kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Espanyol.
Joselu Ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana ay kooxda Espanyol siisay lacag dhan 500 kun oo Gini.
Lionel Messi -> Inter Miami:
Kooxda Inter Miami ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.
Messi ayaa dhawaan ku dhawaaqay dookhiisa u ciyaarida kooxda Inter Miami kadib markii uu soo dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda PSG.
Kooxda reer America ayaa daabacday muuqaal Messi iyo wararkii badnaa ee lala xidhiidhinayay kooxaha kala duwan ee Barcelona iyo Al-Hilal.
Jude Bellingham -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay kala wareegtay kooxda Borussia Dortmund.
Jude Bellingham ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 ah waxana uu ka mid noqon doonaa xiddigaha cusub ee kooxda Real Madrid.
N’Golo Kante -> Ittihad:
Xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kanté ayaa ku biiray kooxda Al Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Kooxda Al Ittihad ayaa heshiis 2 sano ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee reer France isaga oo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Benzema kula biiri doona kooxda.
Karim Benzema -> Al Ittihad:
Xiddiga Karim Benzema ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad sida ay xaqiijisay kooxdu.
Xiddiga Karim Benzema ayaa kooxda Al Ittihad u saxiixay heshiis 2 sano ah oo uu ugu ciyaari doono kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Alexis Mac Allister -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii uu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa xiddiga Alexis Mac Allister ka saxiixanaysa heshiis ilaa sanadka 2028 ah waan heshiis 5 sano ah.
Iñigo Martinez -> Barcelona:
Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Iñigo Martinez ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona.
Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2025 ah waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyay oo ay Barcelona samaysay xagaagan.
Fran García -> Real Madrid:
Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee samaysa saxiix suuqa xagaaga iyada oo Ancelotti xaqiijiyay in ay dib ula soo waregeen xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee Fran García.
Los Blancos ayaa xiddiga kala soo wareegtay kooxda Rayo Vallecan oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Christopher Nkunku -> Chelsea:
Xiddiga kooxda RB Leipzig ayaa haatan la xaqiijiyay in uu xagaagan ku biiri doono kooxda chelsea kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bundesliga.
Chelsea ayaa Nkunku la saxiixatay xagaagii hore laakiin waxa ay u ogolaadeen xiddigu in uu sii joogo kooxdiisa RB Leipzig xilli ciyaareedka.
Haatan xiddiga ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo xiddig chelsea ah kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bundesliga waxana uu noqon doonaa saxiiixa ugu horeeya ee chelsea.
Marco Asensio -> PSG:
Kooxda PSG ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Marco Asensio kaas oo ay qaab xor ah kula wareegayso kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Real Madrid.
Kooxda PSG ayaa xiddiga Marco Asensio ka saxiixatay heshiis ilaa 2027 ah waxana uu ka mid noqday xiddigaha ay kooxda PSG isku xoojinayso.

Related



Source link