Kooxda Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Newcastle United kulan xiiso leh oo ka dhici doona Etihad Kana tirsan horyaalka premier League.
Man City ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha xidhiidhka ah horyaalka premier League kadib markii ay ku bilaabatay guul tartanka.
Dhinaca kale Newcastle oo guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah.
Kulanka: Man City Vs Newcastle
Tartanka: premier League
Wakhtiga: 10:00
Garoonka: Etihad
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Guuldarada kaliya ee Manchester City ka soo gaartay 31-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Newcastle, Waxay ahayd guuldarro 2-1 ah oo ka dhacday St James’ Park bishii January 2019.
Man City ayaa badisay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay Newcastle iyaga oo dhaliyay 48 gool waxana laga dhaliyay kaliya 7 gool. Waa guulihii ugu dheeraa ee City ay ku gaarto gurigeeda iyo guuldaradii ugu dheereyd ee Magpies ay ka soo gaarto hal koox taariikhdooda horyaalka.
Guusha kaliya ee ay Newcastle ka gaadhay Man City 38-kii kulan ee ugu dambeeyay ayaa ahayd, guushii 1-0 ee ka dhacday Maine Road bishii Septembar 2000 waxaana goolka u dhaliyay Alan Shearer.
Guushooda kali ah ee Etihad Stadium waxa ay timid wareega afraad ee League Cup bishii October 2014 waxaana goolasha u kala dhaliyay Rolando Aarons iyo Moussa Sissoko.

Related



Source link