Romeo Lavia ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka Chelsea, waxaana laga yaabaa inuu kulankiisii ​​ugu horeysay u safto kooxda axada.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Belguim ayaa joogay Arbacadii garoonka chelsea si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda.
Arintaas ayaa dhacday kadib markii ay Blues Southampton kala heshiisay qiimaha xiddiga 21 jirka ah.
Lavia ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro chelsea ka hor inta uuna xiddigii hore ee Man City ku biirin Chelsea.
chelsea ayaa ugu dambayn bixisay lacagtii ay Liverpool ogolaatay iyada oo Southampton aqbashay dalabka Blues.
Xiddiga ayaa haatan isku diyaarinaya in uu noqdo xiddig chelsea ah waxana la filayaa in uu kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda u safto Axada.

Related



Source link