Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay isku daydo inay ku guuleysato tartanka loogu jiro daafaca Manchester City Aymeric Laporte.
Xiddiga ayaa la filayaa in uu isaga tago Man City xagaagan waxana ay Man City aqbashay dalab ay Al-Nassr ka soo gudbisay saxiixiisa.
Sida ay haatan wax yihiin xiddiga ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso kadib markii ay la soo saxiixatay Josko Gvardiol.
Sida laga soo xigtay Then Sun, Real Madrid ayaa isku dayaysa in ay saxiixa xiddiga ku garaacdo kooxda Al-Nassr maalmaha soo socda.
Ancelotti ayaa doonaya in uu xiddiga ku soo daro kooxdiisa xagaaga si uu ugu buuxiyo booska Eder Militao kaas oo dhaawac halis ah soo gaadhay.

Related



Source link