Neymar ayaa sheegayin Cristiano Ronaldo sabab u yahay qul-qulka xiddigaha reer yurub ee horyaalka sucuudiga.
“Waxaan aaminsanahay in Cristiano Ronaldo uu bilaabay waxaas oo dhan,” ayuu Neymar ku yiri wareysi uu siiyay kooxdiisa cusub ee Al-Hilal.
“Qof walba waxa uu Ku Tilmaamayay Nin waalan, Maanta waxa aad arkaysaa in horyaalku korayo”.
Ronaldo ayaa suuqii January isaga tagay Man United kuna biiray kooxda Al-Nassr markaas oo ayna joogin xiddigo badan oo waaweyn.
Laakiin Haatan horyaalka sucuudiga ayaa ku faanaya xiddigo ay ka mid yihiin Karim Benzema, Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Riyad Mahrez.
Neymar ayaa kooxda Al-Hilal kula biiraya xiddigaha ay ka midka yihiin Ruben Neves, Kalidou Koulibaly 7 Sergej Milinkovic-Savic.
Related