Warbaahinta England ayaa shaaca ka qaaday go’aanka uu Tababare Jurgen Klopp ka gaadhay mustaqbalka Goolhayaha Kooxda ee Alisson kaas oo xiiso ka helaya kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Kooxda Al-Nassr ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha reer Brazil kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan Goolkooda xilli ciyaareedka cusub.
Si kasta ha ahaatee tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si cad go’aan uga gaadhay mustaqbalka Goolhayaha 1-aad ee kooxdiisa.
Wararka ayaa sheegaya in uu Klopp diiday in uu Alisson ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Klopp ayaan doonayn in uu fasaxo Goolhaye Alisson wakhtigan lagu jiro maadama uu xilli ciyaareedku bilowday.
Sidaas Darteed Liverpool ayaa U SHeegtay kooxda doonaysa Goolhayaha in ayna wakhtigooda isaga lumin baacsiga Goolhayaha.
Related