Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay Goolhayaha noqon doona dookhiisa 1-aad ee kulamada xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa amaah kula soo wareegtay David Raya kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Brentford.
Raya ayaa booska 1-aad ee Goolhayaha kula tartami doona Goolhaye Ramsdale kadib markii ay kooxdu lumisay Goolhaye Nottingham Forest.
“Waxa uu keenayaa yTayo fiican, waxa uu ku soo kordhin doonaa kooxdeena qaab ciyaareed fiican, waxa aan doonaynaa in aan boos walba ka haysano laba xiddig”ayuu Arteta yidhi.
Mikel Arteta ayaa la waydiiyay Goolhayaha noqon doona dookhiisa 1-aad xilli ciyaareedkan iyada oo ay labada Goolhayeba doonayaan in ay ciyaaraan.
“Anigu ma haysto dookh 1-aad iyo mid 2-aad, waxa aan doonayaa boos walba laba xiddig waana laba Goolhaye oo leh tayo kala duwan”ayuu sii raaciyay.
Related