Kooxda chelsea ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga Reece james kaas oo uu dhaawac soo gaadhay.
Kabtanka Chelsea ayaa ka baxay kulankii furitaanka ee ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Liverpool.
Tababare Pochettino ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in uu kaliya dareemay daal laakiin uuna dhaawac soo gaadhin xiddiga.
Laakiin wararka ayaa haatan sheegaya in uu Reece James soo gaadhay dhaawac muruqa ah.
Kooxda ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay baadhitaan marsiiso xiddiga si ay u ogaato xaalada dhaawac ee xiddiga.
Kooxda ayaan ku rajo weynayn xaalada xiddiga marka loo eego in uu dhaawacyo la dhibaatooday xilli ciyaareedkii hore.
Related