Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga Jurrien Timber kaas oo ku dhaawacmay kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray Arsenal.
Timber ayaa ku bilowday kulan kulankii ay Arsenal ka badisay kooxda Nottingham Forest kulankii furitaanka horyaalka Premier League.
Laakiin xiddiga ayaa dhaawac uga baxay bilowgii qaybtii dambe ee kulankii Nottingham Forest horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa baadhitaano badan ku samaysay xiddiga iyaga oo doonayay in ay ogaadaan xaalada dhaawac ee xiddiga.
Haatan waxa soo baxaya in uu xiddiga dhaawac halis ah ka soo gaadhay jilibka intii uu socday kulankii Nottingham Forest.
Wararka ayaa sheegaya in ay uu Timber garoomada ka maqnaan doono muddo aad u dheer isla markaas uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Related



Source link