Liverpool ayaa ku dhow inay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Stuttgart Wataru Endo.
Wadahadalada u dhexeeya labada kooxood ayaa maraya meel horumar leh xiddiga ayaana ogolaansho loo siiyay in uu u duulo Liverpool si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Reds.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa doonaysa in ay dhamaystirto xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso kaydka xilli ciyaareedka cusub.
Endo ayaa ahaa kabtanka kooxda Stuttgart tan ilaa 2020 markii uu ku soo biiray kooxda.
Xiddiga 30 jirka ah ayaa kooxda reer Germany u saftay 40 kulan xilli ciyaareedkii hore waxana uu dhaliyay 6 gool halka uu caawiye ka noqday 5 kale.
Klopp ayaa doonaya in uu xiddiga khadka dhexe diyaar u noqdo kulanka Bournemouth ee Sabtida ee horyaalka premier League.

Related



Source link