Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Southampton ee Romoe Lavia ayaa lagu soo waramayaa in uu la yaabay Liverpool isla markaas uu dareemay in uuna ahayn dookha 1-aad ee Liverpool kadib markii ay Reds dalab 111 milyan ah ka gudbisay Moises Caicedo.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester City ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka ku maro Stamford Bridge 48 saacadood ee soo socda ka hor inta uusan dhameystirin heshiiska uu ugu wareegayo kooxda chelsea.
Waa xiddigii 2-aad ee iska diida Liverpool kana doorta chelsea kadib markii uu Caicedo iska diiday Liverpool kuna biiray chelsea.
Lavia ayaa markii hore doonayay in uu ku biiro Anfield laakiin diidistii ay Liverpool diiday in ay bixiso lacagta Southampton ay doonayso ayaa ka xanaajisay xiddiga.
Kadib markii Liverpool laga diiday dalab 46 milyan ah, Reds ayaa dalab 111 milyan ah ka gudbisay xiddiga Caicedo.
Xiddiga ayaa sidaas darteed ka xanaaqay Liverpool waxana uu go’aansaday in uu ku biiro kooxda Chelsea

Related



Source link