Neymar ayaa sheegay in u dhaqaaqistiisa Al Hilal ay ku dhiiri galisay rabitaankiisa ah in uu noqdo ciyaaryahan caalami ah iyo in uu raadsado tartan cusub xilli uu ku biiray horyaalka Saudi Pro League.
Xiddiga 31 jirka ah ayaa dhamaystiray ku biiristiisa kooxda sucuudiga kadib markii ay Al-Hilal 80 milyan ka bixisay xiddiga reer Brazil.
Sida laga soo xigtay Sky Sport, Neymar ayaa mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 129.4 milyan euro sanadkii kadib heshiis 2 sano ah oo uu saxiixay.
Neymar ayaa sheegay in uuna lacag darteed u iman horyaalka sucuudiga inkasta oo lagu eedeeyay in uu kubada ka doortay lacagta.
“Al-Hilaal waa koox weyn oo leh taageerayaal cajiib ah, waana kooxda ugu fiican Aasiya. Tani waxay i siinaysaa dareen ah in ay tahay go’aanka saxda ah ee aniga wakhtiga saxda ah ee aan la joogo kooxda saxda ah”.
“Waan jeclahay guuleysiga iyo gool dhalinta, waxaana qorsheynayaa inaan taas ka sii wado Sacuudiga iyo Al-Hilaal.”
Related