sheekada suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa ah horyaalka sucuudiga oo lacag waali ah suuqa galinaya isla markaas samaynaya sxiixyo waaweyn.
Horyaalka sucuudiga ayaa soo jiidanaya xiddigaha ugu magaca weyn qaarada yurub iyaga oo haataba la soo saxiixday xiddigo magac leh.
Hadab warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada xiddigaha waaweyn ee ku biiray sucuudiga:
Neymar:
Xiddiga Neymar ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee magac ku leh qaarada yurub ee ku biira horyaalka sucuudiga suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddiga 31 jirka ah ayaa dhamaystiray ku biiristiisa kooxda sucuudiga kadib markii ay Al-Hilal 80 milyan ka bixisay xiddiga reer Brazil.
Sida laga soo xigtay Sky Sport, Neymar ayaa mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 129.4 milyan euro sanadkii kadib heshiis 2 sano ah oo uu saxiixay.
Sadio Mane:
Kooxda Al-Nassr ee uu u ciyaaro Cristiano Ronlado ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sadio Mane kaas oo ay kala soo wareegtay Bayern Munich.
Karim Benzema:
Benzema ayaa ku biiray kooxda Ittihad iyaga oo qaab xor ah kula wareegay kadib markii uu dhacay heshiiska xiddiga ee Real Madrid.
N’Golo Kante:
Xiddiga kale ee reer France ayaa Benzema kula biiray kooxda Al-Ittihad kadib markii uu dhacay heshiiskii kooxda cheslea.
Roberto Firmino:
Waa xiddig kale oo uu heshiiskiisu dhacay waxana uu Liverpool kaga biiray kooxda Al-Ahli waxana uu qaab xor ah ugu biiray kooxda Al-Ahli.
Riyad Mahrez:
Xiddiga Man City ayaa maanta si Rasmi ah ugu biiray kooxda Al-Ahli kadib markii ay kooxda sucuudiga ka ciyaarta 30 milyan ka bixisay xiddiga reer Algeria.
Jordan Henderson:
Kabtanka Liverpool ayaa noqday xiddigihii ugu dambeeyay ee ku biira horyaalka sucuudiga kadib markii uu 12 milyan ugu biiray kooxda Al-Ettifaq.
Kalidou Koulibaly
Edouard Mendy
Marcelo Brozovic
Sergej Milinkovic-Savic
Malcom
Moussa Dembele
Related