Manchester City ayaa aqbashay dalab uga yimid kooxda Al-Nassr oo ay ku doonayso xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ayermic Laporte.
Laporte ayaa loo maleynayaa inuu u furan yahay suurtogalnimada inuu u dhaqaaqo dalka Khaliijka.
Daafaca 29-jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu kulamo u ciyaaro kooxda Man City waxana uu ciyaaray kaliya 12 kulan oo premier League.
Sidoo kale xiddiga ayaa badal wakhti dambe ah ku soo galay kulankii Burnley ee jimcihii horyaalka premier League.
Laporta ayuu 2 sano uga dhimanayahay heshiiskiisa kooxda Man City waxana lala xidiidhinayay kooxda Arsenal.
Dhanka kale, Al Nassr, ayaa ilaa hadda la soo wareegtay Sadio Mane, Marcelo Brozovic, Seko Fofana iyo Alex Telles xilli xagaagan.
Waxa ay u muuqataa in ay Al-Nassr Arsenal ku garaacayso saxiixa xiddiga Laporta xilli uu Arteta doonayo xiddiga reer Spain.

Related



Source link