Kooxda Liverpool ayaa si deg-deg ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Stuttgart.
Liverpool ayaa haatan kooxda Stuttgart kala heshiisay saxiixa xiddiga 30 jirka ah kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan khadka dhexe.
Wargayska Athletic ayaa sidoo kale sheegaya in uu xiddigu sidoo kale ka ciyaari karo daafaca dhexe waxana uu si fiican u garanayaa Agaasimaha kooxda Liverpool ee Jorge Schmadtke.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool xiddiga reer Japan ka bixin doonto lacag dhan 19 milyan oo euro waxana ay ka dhigaysaa saxiixii 3-aad ee kooxda.
Liverpool ayaa saacado yar gudohood ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe waxana uu Klopp doonayaa in uu xiddiga helo kulanka Bournemouth ee Sabtida.
Related