Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa wali shaki ka qaba awooda Chelsea ee ku guulaysiga horyaalka premier Legaue inkasta oo ay baanka u jabisay Moises Caicedo.
Chelsea ayaa saxiixa Moises Caicedo ku garaacday xiddiga kooxda Liverpool kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.
Wright ayaa filaya in uu Moises Caicedo qaab ciyaareed fiican ku qaato chelsea laakiin waxa uu wali ka shaki qabaa awooda chelsea ee xitaa ku tartamista horyaalka.
“Moises Caicedo Saxiix fiican ayuu u noqon doonaa chelsea gaar ahaan hadii uu ka garab ciyaaro Enzo Fernandes”ayuu yidhi.
“Laakiin waxa aan aaminsanahay in ayna Man City iyo Arsenal kula tartami doononin horyaalka”.

Related



Source link