Liverpool ayaa soo qaadatay toodbaad aad u adag suuqa kala iibsiga kadib markii lagu garaacay labada saxiix ee Moises Caicedo iyo Romeo Lavia muddo saacado ah gudohood.
Reds ayaa si aad ah u doonaysa xiddig khadka dhexe ah xilli ay 2 todobaad ka dhimantahay xidhitaanka suuqa kala iisbiga isla markaas bartilmaameedyadoodu soo dhamaanayan.
Saxafiga Paul Joyce ayaa sheegaya in uu jiro xiddig u ciyaara chelsea oo ay Liverpool ku heli kartay lacag aad u yar.
Joyce ayaa sheegaya in ay Liverpool iska diiday fursad ay kaliya 15 milyan ugu saxiixan karto xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandes.
Ezno ayaa loo soo bandhigay Liverpool xagaagii hore markii uu joogay River Plate laakiin Reds ayaa iska diiday saxiixa xiddiga.
Xiddiga ayaa xagaagii hore ku biiray kooxda Benfica waxana uu suuqii January ugu biiray chelsea lacag dhan 106.8 milyan laakiin Reds ayaa kaliya 15 milyan ku heli lahayd saxiixa xiddiga.
Related