Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo noolayn doonto xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fluminense Andre.
Reds ayaa si aad ah u doonaysa xiddig khadka dhexe ah xilli ay xiddigo badan oo booskaas ka ciyaara ka tageen suuqa xagaagan.
Xiddigaha James Milner, Naby Keita, Alex Oxlade-Chamberlain, Fabinho iyo Jordan Henderson ayaa dhamaantood isaga tagay kooxda Liverpool.
Liverpool ayaa aad loola xidhiidhinayay xiddigaha Moises Caicedo iyo Romeo Lavia laakiin kooxda chelsea ayaa ku garaacday saxiixa labada xiddig.
Sida laga soo xigtay wargayska Mirror, Liverpool ayaa haatan doonaysa in ay dib u soo cusboonaysiiso xiisaha ay u qabtay xiddiga reer Brazil ee Adre.
Reds ayaa lala xiriirinayay 22 jirkaan horaantii xagaagan ka dib markii ay la dheceen qaab ciyaareedka fiican ee uu ku soo bandhigay kooxda Fluminense.

Related



Source link