Gary Neville ayaa weerar ku qaaday Casemiro isaga oo sheegay in uu ku dhibaatooday kulankii Wolves ee ay Man United ku badisay 1/0.
Casemiro ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu soo qaatay kulan uu iloobo kulankii Wolves ee bilowda kooxda premier League.
Ciyaarta kadib isaga oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Casemiro waa la bur-buriyay kulanka, waxa la baray kubada cagta”ayuu Neville yidhi.
“Khadka dhexe ee United waxa uu ahaa mid aan jirin, waa la bur-buriyay khadka dhexe, Wolves waxa ay ahayd kuwo cajiib ah”.
“Khadka dhexe ee United ma ahayn mid jira waxa ay noqonaysaa arin wal-wal ah hadii ay sidaas u sii ciyaaraan”.
Related