Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay bixisay lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Michael Olise sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa haatan filaysa inay dhamaystirto saxiixa garabka Crystal Palace wakhtiga soo socda.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa xiddigaha cusub kula biiri doona Blues xagaagan hadii uu dhamaystiro ku biirista kooxda.
Olise ayaa haatan dhaawac ku maqan kadib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay tartankii euro u21 european.
Xiddiga Olise ayaa Palace u saxiixay heshiis 5 sano asanadkii 2021 kadib markii ay kala soo wareegeen kooxda Reading.
Kadib waxa uu noqday xiddig muhiim ka ah kooxda Crystal Palace xilli ciyaareedkii hore waxana uu ku guulaystay xiddiga da’yarka ah ee ugu fiican kooxda.
Related