Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn warbixin ka soo saartay xaalada daafaca Jurrien Timber kaas oo ku dhaawacmay kulankii nottingham Fores ee Sabtidii.
Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka premier League iyaga oo Forest kaga badiyay 2/1.
Waxa kulanka ku bilowday xiddiga Timber kaas oo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal horyaalka premier League laakiin xiddiga ayuu dhaawac halis ah soo gaadhay qaybtii dambe ee ciyaarta taas oo lagu qasbay in uu ciyaarta ka boxo.
Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay jilibka Lugta midig intii uu socday kulankii Nottingham Forest.
Xiddiga reer Netherlands ayaa haatan laga cabsi qabaa in uu muddo dheer ka maqnaado garoomada sabab la xidhiidha dhaawaca soo gaadhay xiddiga
Related