Kooxda Arsenal ayaa la filayaa in dib ugu laabato suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u sii wado xoojinta kooxda kadib dhaawaca Timber.
Saxafifa Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal suuqa u galayso daafaccusub kadib dhaawaca Timber.
Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Arsenal isha ku hayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Aymeric Laporta.
Mikel Arteta ayaa xidhiidh fiican la leh xiddiga reer Spian maadama uu kala soo shaqeeyay Man City markii uu caawiyaha ka ahaa kooxdaas.
Sidaas Darteed Arsenal ayaa isku dayi doonta in ay ka faa’iidaysato xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya xiddiga iyo tababaraha si ay ugu qanciso in uu yimaado Emirates.

Related



Source link