Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Southampton Romeo Lavia ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda Chelsea.
Xidhiidhka kooxaha chelsea iyo Southampton ayaa ah mid fiican taas oo fududaysay heshiiska.
Chelsea ayaa xiddiga ka bixinaysa lacag dhan 50 milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah si ay u dhamaystirto heshiiska.
Blues ayaa saacado gudohood Liverpool ku garaacday saxiixa xiddigii 2-aad muddo saacado ah.
Lavia ayaa chelsea kula biiri doona Moises Caicedo kaas oo ay Liverpool ku garaacday saxiixiisa.
Labada kooxood ee Liverpool iyo Chelsea ayaa sidoo kale dalabyo hore miiska u saaray xagaagan Lavia, kaasoo aan kasoo muuqan Southampton labadii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka 2023-24.
Related