Kooxda Man United ayaa marti galinaysa Wolves kulankoodii 1-aad ee Premier League kulan ka dhici doona Ol Trafford.
Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul ku bilowdaan kulankooda ugu horeeya ee horyaalka premier League.
Dhinaca kale Wolves oo maalmo ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka Lumiyay tababarohoodii ayaa doonaysa in ay garaacdo Man United.
kulanka: Man United Vs Wolves.
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 10:00
Garoonka Old Trafford.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Man United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Wolves kula ciyaartay garoonkeeda.
Kulankan waa midkii 5-aad ee ay Man United xilli ciyaareedka bilaabanayso Isniin, waxa ay ku guulaysteen horyaalka 3 ka mid ah 4-tii jeer ee hore ee ay xilli ciyaareedka bilowdeen Isniin.
Man United ayaa ah kooxda inta ugu badan badisay kulamada furitaanka xilli ciyaareedka iyaga oo badiyay 20 inkasta oo Red Devils laga badiyay kulankii furitaanka horyaalka ee xilli ciyaareedkii hore.
Wolves ayaa laga badiyay kulamadii furitaanka horyaalka ee labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Related



Source link