Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu noqdo xiddigii ugu dambeeyay ee u dhaqaaqa horyaalka sucuudiga.
Neymar ayaa ku dhaw in uu Ronaldo iyo Benzema kula biiro horyaalka sucuudiga xilli uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda PSG.
Saxafiga David Orinstein ayaa sheegaya in uu Neymar tijaabada caafimaadka u marayo kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee  Al-Hilal.
Neymar ayaa doonaya in uu tartan cusub raadsado xilli ay PSG diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Xiddiga ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xilli uu haatan isku diyaarinayo in uu dhaamystiro heshiska.
Sidaas darteed Neymar ayaa haatan tijaabad acaafimaadka u marya ka hor inta uuna dhamaystirin heshiiska uu ugu biirayo kooxda Al-Hilal.

Related



Source link