Mauricio Pochettino ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay in Reece James uu dhaawac uga baxay kulankii ay chelsea bar-baraha la gashay Liverpool premier League.
Chelsea ayaa bar-baro ku bilaabatay xilli ciyaareedka laakiin waxa ay qaybtii dambe dhaawac ku waayeen xiddiga Reece James kaas oo laga saaray ciyaarta.
James ayaa lagu badalay Malo Gusto kaas oo kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.
Laakiin Pochettino ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo dhaawaca xiddiga waxana uu sheegay kaliya in uu taxadar u saaray xiddiga.
Markii la weydiiyay sababta James looga saaray ciyaarta ayuu Pochettino yidhi”Waxa uu dareemay daal aad u badan”.
“Waxa aan qiimaynay xaalada xiddiga waxana uu muddo ku maqnaa dhaawac sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aanu nasiino siino”.
Related