Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Wolves kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa bilowga labada kooxood ee premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Wolves agatd kooxda fiican iyaga oo ahaa kuwo ka fursado samayn badan Man United.
Red Devils ayaa ahayd kooxda ku fiican maamulista ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysay in ay fursado samayso.
Wolves ayaa ahayd kuwa sameeyay fursadaha ugu badan iyaga oo marar badan halis galiyay Goolka kooxda Man United.
Kooxda Wolves waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadihii ay samaynayeen ee aan kala joogsiga lahayn.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ay labada kooxood ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan.
Wolves ayaa qaybta dambe ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha iyaga oo marar badan tijaabiyay goolhayaha kooxda Man United kaas oo sameeyay badbaadin badan oo cajiib ah.
Daqiiqadii 76-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay daafaca Raphael Varane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Wolves ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Goolhayaha Man United ayaa shabaqiisa wax walba u sameeyay sidii uu u ilaashan lahaa.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka premier Legaue isla markaas guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Wolves.

Related



Source link