Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid wax ka waydiisay xiddigaha Aurelien Tchoumeni iyo Fede Valverde kadib markii ay lumiyeen saxiixa Moises Caicede.
Sida laga soo xigtay The Secret Scout, Liverpool ayaa la xidhiidhay Real Madrid si ay wax uga waydiiso helitaanka labada xiddig suuqa xagaagan.
Liverpool ayaa muddo dheer xiiso u qabtay saxiixa xiddigaha Aurelien Tchoumeni iyo Fede Valverde waxana ay doonayaan in ay dar-dar galiyaan dadaalada ay ku doonayaan labada xiddig.
Real Madrid ayaa dhinaceeda la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay fasaxdo midkood labada xiddig xilli ay doonayso lacag ay ugu dhaqaaqdo xiddig daafaca ah kadib dhaawacii soo gaadhay Militao.
Laakiin wararka ayaa sheegaya in ayna Real Madrid aqbali doonin in ay labada xiddig ku iibsio wax ka yar 120 milyan oo euro suuqa xagaagan.
Klopp ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu suuqa ugu jirto xiddig ka ciyaari kara khadka dhexe ee daafaca inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Related



Source link