Liverpool ayaa Southampton kala heshiisay saxiixa xiddiga Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Reds ayaa ku raad joogtay saxiixa xiddiga xagaagan oo dhan iyaga oo doonayay in ay ku xoojiyaan khadka dhexe laakiin waxa ay isaga hadheen baacsigiisa maalmihii la soo dhaafay iyaga oo doonaayy saxiixa xiddiga Moises Caicedo.
Laakiin Caicedo ayaa iska diiday Liverpool waxana uu ka doortay kooxda chelsea oo uu haatan isku diyaarinyo in uu tijaabada caafimaadka u maro.
Liverpool ayaa saaka mar kale dareenkooda u jeedisay saxiixa Lavia iyaga oo miiska u saaray Southampton 60 milyan oo ah lacag ka badan lacagtii ay chelsea ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Wargayska Mailonline ayaa haatan sheegaya in ay Liverpool iyo Southampton ka heshiiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Laakiin Liverpool ayaa si weyn uga cabsi qabta in ay Chelsea mar kale ku garaacdo saxiixa xiddiga kadib markii ay ku garaacday Caicedo.
Haatan Chelsea ayaa la sugayaa in ay bixiso lacagta ay Liverpool haatan kala heshiisay southampton hadii ay doonayso in ay saxiixa xiddiga ku garaacdo Liverpool.
Related