Jamie Carragher ayaa ku booriyay Liverpool inay la soo saxiixdaan ciyaaryahan khadka dhexe ah iyo daafac cusub ka dib kulankooda furitaanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Chelsea.
Liverpool ayaa bar-baro la gashay Chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka.
“Waxan qabaa in kulanku muujiyay in ay aad ugu baahanyihiin saxiixyo cusub, khadka dhexe iyo waliba daafaca dhexe”ayuu Carragher yidhi.
Klopp ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in ay kooxdiisu u baahantahay xiddigo khadka dhexe ah kadib markii ay iska iibiyeen Fabinho iyo Jordan Henderson.
Liverpool ayaa aad ugu jirta suuqa iyaga oo doonaya xiddig khadka dhexe ku fiican isla markaas doonayaan in ay xoojiyaan kooxda.

Related



Source link