Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga kooxda Crystal Palace ee Michael Olise sida ay wararku sheegayaan.
Chelsea ayaa haatanba suuqa galisay lacag ka badan 200 milyan oo euro iyada oo sidoo kale suuqa galin doonta laba jibaarka lacagtaas hadii ay dhamaystirto saxiixa Moises Caicedo, Romeo Lavia, Deivid Washington & Olise.
Ollise oo 21 jirk ah ayaa haatan dhaawac muruqa ah ku maqan laakiin arintaas ayaan chelsea ka hor istaagayn in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay The Evening Standard,  Chelsea ayaa ku dhaw in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga Ollise si ay uga dhigto saxiixyadeeda cusub ee xagaaga.
Blus ayaa diyaar u ah in ay bixiso lacagta ay Crystal Palace ku qiimayso xiddiga oo dhan 53 milya oo euro.
Olise ayaa dhaliyay kaliya labo gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, lakiin waxa uu caawiyay 11 gool waana xiddiga 4-aad ee ugu caawinta badan marka laga reebo Kevin de Bruyne, Mohamed Salah iyo Leandro Trossard.

Related



Source link