Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa wajahaya tijaabo wakhti hore ah bilowga xilli ciyaareedka cusub marka ay isaga hor imanayaan Stamford Bridge.
Blues ayaa ku dhamaystay kaalinta 12-aad xilli ciyaareedkii hore waxana ay doonayaan in ay ka soo kabsadaan xilli ciyaareedkii niyad jabka lahaa.
Dhinaca kale Liverpool ayaa doonaysa in ay iska ilowdo xilli ciyaareedkoodii niyad jabka lahaa isla markaas ay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedka.
Hadaba ka hor kulanka waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan labada kooxood.
#1 Mohamed Salah vs Ben Chilwell
Inkasta oo ay Liverpool dhibaatootay xilli ciyaareedkii hore hadana Salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isgaa oo dhaliyay 19 gool 12 kalena caawiye ka noqday.
Xiddiga reer Masar ayaa mar kale hogaamin doona weerarka Liverpool waxana uu doonayaa in uu sii wato rikoodhkiisa cajiibka ah ee kooxaha waaweyn.
Salah waxa ka hor iman doona xiddiga Ben Chilwell oo la filayo in uu ku bilowdo daafaca bidix waxana uu u baahnaan doonaa in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicna.
#2 Nicolas Jackson vs Virgil van Dijk
Chelsea ayaa rajo fiican ka heshay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Jackson ayaa hogaamin doona weerarka Blues kulanka waxana uu tijaabin doonaa kabatanka Liverpool ee Virgil Van Dijk kaas oo doonaya in uu ku soo laabto qaab ciyaareedkii looga bartay.
#3 Enzo Fernandez vs Alexis Mac Allister
Booska khadka dhexe ayaa ah meesha ay ku kala badiyaan kooxohu sidaas darteed waxa si weyn isha oogu hayn doonaa khadka dhexe ee labada kooxood.
Waxa isaga hor iman doona xiddiga Enzo Fernandes iyo Mac Allister oo ah laba xiddig oo isku xul ah iskana soo garab ciyaaray koobkii adduunka.
Labadan xiddig midka gacanta ku dhiga maamulista ciyaarta ayaa kooxdiisa ka caawin kara in ay 3-da dhibcood ee ciyaarta jeebka ku shubato.
Sii Akhriso: 18 Ka Mid Ah Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Degmo Ka Tirsan Shabeellada Hoose

Related



Source link