Kooxda Manchester United ayaa ku sii dhawaanaysa soo qaadashada badalka Harry Maguire sida uu sheegay Fabrizio Romano.
Man United ayaa West Ham kala heshiisay saxixa xiddiga reer England waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda xagaagan.
Red Devils ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo daafaca ka ciyaara kana mid yihiin Jean-Clair Todibo, Benjamin Pavard & Edmond Tapsoba.
Sida laga soo xigtay Romano Man United ayaa wadahadalo la bilowday Bayern Munich si ay u hesho daafaca reer France ee Benjamin Pavard.
Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa todobaadyo ka hor ku war galiyay kooxdiisa Bayern in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.
 
 

Related



Source link