Kooxaha Chelsea Iyo Liverpool ayaa ku kala baxay bar-baro kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Stamford Bridge.
Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood kala qaybsadeen labada qaybood ee ciyaarta koox walba mid fiicnayd.
Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican qaybta hore ee ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa Chelsea isla markaas sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 18-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luis Diaz kaas oo baas cajiib ah ka helay xiddiga Mohamed Salah.
Liverpool ayaa mar kale dhalisay gool waxnaa u dhaliyay Mohamed Salah laakiin waxa la diiday goolkaas sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray Salah.
Waxa sidaas ku socotay ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican kana awood badan Chelsea.
Laakiin chelsea ayaa daqiiqadii 37-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Axel Disasi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Chelsea ayaa mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxnaa u dhaliyay xiddiga Ben Chilwell laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.
Waxa dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah isla markaas oo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.
Qaybta dambe ayay chelsea ahayd kooxda fiican waxana ay sameeyeen fursado cajiib ah oo ay ku dhalin kareen goolal.
Laakiin labada kooxood ayaa ku dhibaatooday in ay wax gool ah kala dhaliyaan inkasta oo ay sameeyeen fursado fiican.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah sidaasna bar-baro ugu bilowdeen xilli ciyaareedka.

Related



Source link