Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha kooxda Nice Kasper Schmeichel iyadoo Kepa Arrizabalaga uu ogolaaday inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro Real Madrid.
Blues ayaa dhawaan iska fasaxday Edouard Mendy kaas oo ku biiray horyaalka sucuudiga waxana ay haatan ku dhawdahay in ay iska dirto Kepa.
Real Madrid ayaa doonaysa Goolhaye Kepa si ay ugu buuxiso booska Thibalt Courtios oo dhaawac muddo ah soo gaadhay.
Los Blancos ayaa chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga oo ay kula wareegayso hal sano oo amaa ah si ay ugu buuxiso booska Courtios.
Chelsea ayaa haatanba la soo saxiixatay Robert Sanchez laakiin waxa ay suuqa u galaysaa badalka Goolhaye Kepa.
Goolhayihii hore ee Leicester City Kasper Schmeichel ayaa ah dookha 1-aad ee ay doonayso kooxda chelsea suuqa xagaagan

Related



Source link