Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moisés Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay chelsea si Rasmi ah Brighton ugala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moisés Caicedo.
Chelsea ayaa Moisés Caicedo kula wareegaysa heshiis rikoodhka Premier League kadib markii ay bixisay lacag ka badan midkii ay Liverpool kula heshiisay Brighton.
Blues ayaa bixisay lacag dhan 115 milyan oo euro si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Ecuador.
Kooxda chelsea ayaa diyaarisay haatanba in uu xiddiga Moisés Caicedo tijaabada caafimaadka u maro kooxda saacadaha soo socda.
Xiddiga Moisés Caicedo ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 8 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2031.
Related