Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Manchester United ka gudbisay saxiixa daafaca midig Benjamin Pavard.
Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay u aqoonsatay xiddiga reer France badalka macquulka ah ee Harry Maguire oo ku dhaw in uu ka tago kooxda xagaagan.
Wali ma cada in uu Maguire ogolaan doono in uu ku biiro West Ham laakiin Erik Ten Hag ayaa ka sii diyaar garoobaya bixitaankiisa suurtagalka ah.
Xitaa haddii Maguire uu sii joogo Man United ayaa u baahan daafac cusub maadama ay kooxda ka tageen xiddigaha Phil Jones iyo Axel Tuanzebe, halka Eric Bailly
Wararka ayaa sheegaya in ay Man United Dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga sida laga soo xigtay wargayska Christian Falk.
Laakiin Bayern Munich ayaa isla markiiba diiday dalabka Man United laakiin wadahadalada labada dhinac ayaa wali socda.

Related



Source link