Kooxda Barcelona ayaa bar-baro niyad jab leh ku bilaabatay difaacashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub.
Barcelona oo 10 xiddig ah ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Getafe kulan Raphinha kaadhka cas looga saaray Barcelona.
Sidii caadada ahayd Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta waxana ay ka awood badnaayeen kooxda Getafe oo daaf ku jirtay ils markaaas qaadaysay weeraro rogaal celis ah.
Barcelona ayaa ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac adag oo ah Getafe hor dhigtay goolkeeda iyaga oo doonayay in ay ugu yaraan babr-baro kala baxaan kulanka.
Daqiiqadii 42-aad ayaa Barcelona kaadhka cas looga taagay xiddiga Raphinha kaas oo kooxdiisa uga baxay in ay 10 xiddig ku ciyaaraan qaybta dambe.
Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ay Barcelona wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool xilli ay Getafe dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah.
Kooxda Xavi ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool laakiin waxa ay ku dhibaaateen in ay gool u badalaan fursadaha ay helayeen.
Kooxda Getafe ayaa dhinaceeda daqiiqadii 57-aad loo taagay kaadhka cas kadib markii laga saaray xiddiga khadka dhexe ee Jaime Mata.
Kaadhka cas ayaan halkaas ku joogsan waxana mar kale kaadhka cas loo taagay tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi kaasoo la murmay garsooraha 4-aad.
Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Labada kooxood isku dhaafi waayeen bar-baro gool la’aan ah waxana ay Barcelona difaacashada horyaalkeeda ku bilaabatay bar-baro.

Related



Source link