Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa walaac ka muujiyay dhaawaca soo gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Eder Militao kaas oo ku dhaawacmay kulankii furitaanka ahaa ee ay la ciyaartay kooxda Athletic Bilbao.
Real Madrid ayaa 2/0 uga badisay kooxda Bilbao kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga.
Shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kadib, Ancelotti ayaa yiri: “Dhaawaca jilibka ee Militao uma muuqdo mid wanaagsan, waxaan qiimeyn doonaa saacadaha soo socda, meesha lagama saari karo in uu dhaawac halis ah yahay”.
Dhaawaca xiddiga Militao ayaa ah mid dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid xilli ay doonayaan in ay ku tartamaan horyaalka.
Miliato ayaa muhiim ak ah kooxda Ancelotti waxana ay kooxdu si weyn uga cabsi qabtaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo dheer.

Related



Source link